Diiwaangelinta murashixiinta madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ka bilaabmatay

16265923_1335379283180570_7459768522495291958_n
Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa noqday murashixii ugu horeeyay ee magaciisa diiwaangeliya. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Diiwaangelinta murashixiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ka bilaabmatay gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay sheegeen guddiga doorashada.

Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa noqday murashixii ugu horeeyay ee magaciisa diiwaangeliya.

Diiwaangelinta ayaa socon doonta laga bilaabo 26-ka ilaa iyo 29-ka bishaan Janaayo.

31-da bishaan ayaa la filayaa in dhammaan murashixiinta is-diiwaangeliyay loo qabto dood wadaag, taasoo noqonaysa tii ugu horeysa abid ee dalka ka dhacda.

Ugu dambayna 8-da bisha soo socota ee Febaraayo ayay dhacaysaa doorashada sida weyn loo sugayo ee madaxweynaha, sida qorshuhu yahay.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*