Dhakhtar qori qaatay oo ugu yaraan hal qof ku dilay isbitaal kuyaala gudaha magaalada New York

Isbitaalka Bronx-Lebanon ee New York. [Sawirka: Twitter]
New York-(Puntland Mirror) Dhakhtar isku badalay nin hubaysan ayaa rasaas ku furay isbitaal kuyaala gudaha magaalada New York ee dalka Mareykanka maanta oo Sabti ah, waxaana uu dilay ugu yaraan hal qof oo haween ah sidoo kalena waxa uu dhaawacay ugu yaraan lix qof, sida ay sheegeen warbaahinta Mareykanka.

Dr. Henry Bello oo 45-sanno jir ah, oo weerarka ka dambeeyay ayaa markii dambe isku dhaawacay qoriga uu u isticmaalayay weerarka.

Bellow ayaa meydkiisa laga helay qolka 17-aad ee isbitaalka Bronx-Lebanon halkaas oo uu ka shaqeyn jirey mar, sida ay sheegeen booliiska Mareykanka.

Haweenayda dhimatay ayaa la sheegay in ay iyaduna ahayd dhakhtarad.

Lix qof oo kale oo weerarka ku dhaawacmay ayaa shan kamid ah ku suganyihiin xaalad daran.

FBI ayaa sheegay in weerarku uusan u muuqan mid argagixiso sidoo kale duqa magaalada New York ayaa sheegay in weerarku uu yahay mid la xiriira shaqada.

Haayadaha garsoorka ayaa sheegay in Dhakhtarka loo ogolaaday in uu iska casilo shaqada isbitaalka sanadkii 2015-kii kadib markii lagu eedeeyay fal dambiyeed la xiriira galmo.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*