Dhageysiga maxkamada 10 nin oo loo heysto kufsi iyo dil gabar-yar oo dib loo dhigay muddo asbuuc ah

Eedaysanayaasha loo heysto kufsi iyo dil ka dhan ahaa Caasho Ilyaas Aadan. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dhageysiga maxkamada toban nin oo lagu eedeeyay in ay kufsadeen oo dileen gabar yar oo 12-sanno jir ah, ayaa dib loo dhiggay ilaa asbuuca dambe, sida ay sheegeen saraakiisha maxkamada.

Dhageysiga maxkamada ayaa qorshuhu ahaa in ay ka dhacdo magaalada Garoowe maanta oo Sabti ah, balse dib ayaa loo dhiggay kadib markii qareenada eedaysanayaasha ay codsadeen in la siiyo wakhti dheeri ah.

Caasho Ilyaas Aadan oo ahayd gabar 12-sanno jir ah ayaa kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo dabayaaqadii bishii Febaraayo ee sanadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*