Dhageysiga khudbadaha musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya oo maanta bilaabmatay

Dhageysiga khudbadaha musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya oo maanta bilaabmatay. [Sawirka: Archive]
Dhageysiga khudbadaha musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya oo maanta bilaabmatay. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dhageysiga Khudbadaha musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmiya uga bilaabmatay xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhageysiga khudbadaha ayaa socon doonta muddo saddex beri ah maanta oo ah maalinta kowaad waxaa khudbadahooda baarlamaanka ka hor jeedin doona sideed musharax, maalinta labaad oo Sabtida soo socoto ahna waxaa jeedin doona sideed musharax oo kale halka maalinta ugu dambaysa oo ah Axad ay iyana jeedin doonaan sideed kale.

24 musharax  oo ay kamidyihiin madaxweynaha hadda xafiiska jooga Xasan Shiikh Maxamuud iyo raysulwasaaraha xaadirkan Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa u tartamaya doorashada madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada aqalka hoose oo ka kooban 75 xubnood iyo kuwa aqalka sare oo ka kooban 54 xubnood ayaa dooran doona madaxweynaha xiga ee dalka.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo 8-da bishaan Febaraayo.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*