DFS oo sheegtay in howlgal ay ciidamdeeda dhawaan ka sameeyeen gobolka Jubbada Dhexe lagu burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab lahaayeen

Abaanduulaha Cali Baashi
Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cali Baashi Maxamed.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay burburiyeen saldhigyo ay Al-Shabaab lahaayeen kadib howlgalo dhawaan ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe ee Soomaaliya.

Ciidamada kumaandooska Danab ee dowlada federaalka oo Maraykanka tababaray iyo ciidamo gaar ah oo Maraykan ah ayaa howlgalo ka fuliyay asbuucii lasoo dhaafay deegaano kuyaala goboolka Jubbada Dhexe.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed, gaar ahaan Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Sunguuni ee gobolka Jubadda dhexe, waxayna ku burburiyeen saldhig Al Shabaab iyo isbaaro ay ku qaadi jireen lacago sharci darro ah. Deegaanka Sunguuni ayaa ah, mid istiratiiji u ah Al Shabaab, waxayna dhanka waqooyi ka xigtaa wabiga Jubba,” sidaa ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya.

Dowlada ayaa sheegtay in howlgal ka dhacay degmada Jilib, gaar ahaan tuuladda Hargeysa Yareey, lagu gubay gaadiid dagaal oo Al-Shabaab lahaayeen, sidoo kalena lagu dilay sarkaal sare oo Al-Shabaab ahaa, kaasoo ay dowlada sheegtay in dib loo faahfaahin doono.

Ugu dambeyn, abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cali Baashi Maxamed ayaa tilmaamay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameedsanayo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in mar walba weeraro qorsheysan lagu qaadi doona dalkana laga sifeynayo.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*