Deni oo hakiyay dhammaan heshiisyada dowladda inta laga soo dhisayo golaha cusub ee wasiirada

Madaxweynaha cusub ee Puntland Sciid Cabdullaahi Deni. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray amar lagu hakinayo heshiisyada cusub ee dhammaan dowladda, barnaamijyada, iyo shaqaalaysiinta ilaa inta laga soo dhisayo golaha cusub oo wasiirada.

Tan iyo doorashadii 8-da Janaayo, Deni ayaa soo saaray amaro taxane ah.

Waxa uu  haystaa 21 cisho oo kasoo bilaabmaysa 8-dii Janaayo si uu u soo dhiso golihiisa cusub ee wasiiradda, sida uu qabo dastuurku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*