Deg Deg: Qaraxyo ka dhacay garoonka diyaaradaha Istanbul ee Turkiga

Dad badan ayaa ku dhaawacmay labo qarax oo isxiga oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ugu weyn ee magaalada Istanbul (Ataturk) ee dalka Turkiga, sida ay sheegtay wasaarada arrimaha gudaha Turkiga.

Rasaasta qoryaha ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa  in ay ka dhacday garoonka diyaaradaha sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan Istanbul.

Mid kamid ah qaraxa  ayaa loo malaynayaa inuu ka dhacay meesha laga soo dago ee garoonka.

Wasaarada arrimaha gudaha ayaa sheegtay in mid kamid ah qaraxyada loo malaynayo inuu ahaa weerar isbiimayn ah.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka.

Garoonka Ataturk ayaa kamid ah garoomada ugu mashquulka badan aduunka kaasoo u adeegay sanadkii 2015-ka in ka badan 60 milyan oo qof.

 

Wixii soo kordha dib baan idiin la socodsiin doonaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*