Doanld Trump oo ku guuleystay madaxweynaha Maraykanka

trump
Madaxweynaha 45-aad ee Maraykanka Donald Trump. [Sawirka: ABC News]
Washington-(Puntland Mirror) Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada dalka Maraykanka.

Ganacsadaha siyaasadda ku biiray ayaa noqonaya madaxweynaha 45-aad ee Maraykanka.

graph
Si musharaxa uu u guuleysto waxaa laga raby 270, taasoo uu kor u dhaafay Trump sida ka muuqata sawirka kore.

Tirada codadka ayaa muujinaya in Trump uu ku guuleystay goboladii lagu hardamayay ee Ohio, Florida, North Carolina iyo Pennsylvania, kuwaasoo muhiim u ah tartanka Aqalka Cad.

Sida dhaqanka ah musharaxa ku guuleysta Ohio ayaa ku guuleysta doorashada, iyadoo Maraykanka ay dhahaan: “Haddii aad ku guuleysatid Ohio waxaad ku guuleysatay madaxtinimada.”

Haweenyda 70-jirka ah Hillary Clinton oo ka socotay xisbiga Dimuqraadiga oo ahaan jirtay marwadii kowaad ee Maraykanka sidoo kalena soo noqotay xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka ayaa loo saadaalinayay in ay ku guuleysato doorashada.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*