Ciidamada dowladda Puntland iyo maleeshiyada ISIS oo ku dagaalamay deegaanka Bashaashin ee gobolka Bari

Ciidamada hubaysan ee dowladda Puntland. [Xuquuqda Sawirka: Puntlandi]
Ciidamada hubaysan ee dowladda Puntland. [Xuquuqda Sawirka: Puntlandi]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Puntland iyo maleeshiyada ISIS ayaa ku dagaalamay deegaanka Bashaashin, kaasoo qiyaastii 35km dhanka bariga kaga beegan magaalada Qandala, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Ma jirto wax war ah oo deg deg ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka ilaa iyo hadda.

Howlgalka Qandala looga xoreynayo ISIS oo muddo bil ah xukumaysay, ayaa ka dhigaya in markii ugu horeysay ciidamada Puntland iyo dagaalyahanada ISIS ku dagaalamaan gobolka.

About Puntland Mirror 839 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*