Dayactirka wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Boosaaso oo bilaabmatay

Madaxweyne Deni oo dhagax dhigaya dayactirka mashruuca. [Xigashada Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dayactirka wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Boosaaso ayaa si rasmi ah u bilaabmatay maanta oo Axad ah.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo furay mashruuca ayaa sheegay in dayactir balaaran lagu samayn doono wadada.

“Runtii maanta waxay noo tahay farxad inuu billaabanayo Mashruuca Wadada Boosaaso iyo Garoowe oo aan rajeynayno intii ka googo’day wadada in lagu sameynayo dayactir mug-weyn oo aan rajeynayno in ay wadada sidii si ku dhow ay kusoo noqoto. Waa mashaariicda halbowlaha u ah dhaqaalaha dalka, kaabayaasha ugu muhiimsana ah.”  Ayuu yiri.

Shirkada Shiinayska ah ee CCECC ayaa qaadatay mashruuca dayactirka wadada, sida uu sheegay madaxweynuhu.

Wadada oo halbowle u ah dhaqaalaha gobolka ayaa waxay si xun ugu burburtay labadii xilli roobaad ee ugu dambeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*