Dakhliga Wax Soo Saarka Soomaaliya oo kor u kacay 3.1 boqolkiiba sanadkan 2018

Mooska waa waxa ugu weyn oo ay dhoofiso Soomaaliya. [Sawir Hore]
Nairobi-(Puntland Mirror) Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kor u kaco sanadkan 2018 iyada oo dalku kasoo kabanayo abaar taasoo dib u dhigtay wax soo saarkii beeraha, sida ay sheegtay haayada IMF maanta oo Talaado ah.

Waxay sheegtay in ay saadaalinayso waxsoosaarka guud ee gudaha in uu gaaro 3.1 boqolkiiba sanadkan iyada oo sanadkii 2017 uu ahaa 2.3 boqolkiiba. Soomaaliya waxay dhoofisaa muuska waxayna sidoo kale soo saartaa haruurka.

“Dhaqdhaqaaqa ganacsiga 2018 waxa uu kasoo kabanayaa abaarihii 2016 iyo 2017. Xilli roobaad wanaagsan ayaa gacan ka geysanaya dib u soo noqoshada dhaqaalaha, gaar ahaan dhinacyada beeraha iyo xoolaha nool; taasina waxa horseedaysaa in qiimaha cunada ay hoos u dhacdo,” IMF ayaa sidaa ku tiri bayaan.

IMF ayaa filaysa in sicir bararku uu gaaro 3.5 boqolkiiba sanadkan, isaga oo hoos uga soo dhacaya 5.5 boqolkiiba sanadkii 2016.

Soomaaliya ayaa qalalaase ku jirtay tan iyo sanadkii 1991, markii qabqablayaal dagaal ay rideen xukuumadii Maxamed Siyaad Bare. Sanadihii lasoo dhaafay dalka ayaa waxaa dhib ku hayay maleeshiyada Al-Shabaab, abaar iyo burcadbadeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*