Dagaalyahanada Al-Shabaab oo deegaanka Goof Guduud kala wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawirka: Archive]
Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa maanta oo Khamiis ah kala wareegay deegaanka Goof Guduud ciidamada dowladda Soomaaliya, kadib dagaal culus oo dhexmaray labada dhinac, sida ay ilo-wareedyadu sheegayaan.

Ugu yaraan todobo qof oo katirsan dhinacyadii dagaalamay ayaa ku geeriyooday intii uu dagaalku socday, sida ay ilo-wareedyadu xaqiijiyeen.

Dagaalyahanada Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore sanadkan ku dagaalamay gacan ku haynta magaalada Goof Guduud ee gobolka Bay.

Goof Guduud, ayaa qiyaastii 35km dhanka waqooyiga uga beegan magaalada Baydhabo, ee caasimada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*