Dagaalyahan katirsan Daacish oo isku dhiibay Puntland

Dagaalyahan katirsan Daacish oo isku dhiibay Puntland. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dagaalyahan katirsan kooxda Daacish ayaa isku dhiibay ciidamada Puntland, sida maanta oo Talaado ah ay ku warantay idaacada VOA qaybteeda Soomaaliga, oo soo xiganaysa sarkaal Puntland ah.

Ninka isa soo dhiibay ayaa la dhahaa Cabdulaahi Maxamed Siciid kaas oo asal ahaan kasoo jeeda gobolka Bay ee Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Ma jirto wax jawaab deg deg ah oo kasoo baxday ururka hubaysan ee Daacish ee ku sugan gudaha Puntland.

Isa soo dhiibida ayaa imaanaysa wax ka yar labo asbuuc kadib markii ISIS ay weerar is-qarxin ah ka geysatay gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso kaas oo lagu dilay ugu yaraan saddex qof.

Bishii December ee sanadkii hore, ciidamada Puntland ayaa dib ula wareegay magaalo xeebeedka Qandala ee gobolka Bari, taas oo gacanta ISIS gashay bishii Oktoobar ee 2016-ka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*