Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo ka dhacay gudaha gobolka Shabeellaha Dhexe

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo ka dhacay gudaha gobolka Shabeellaha Dhexe. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyada Al-Shabaab ayaa maanta oo Talaado ah ka dhacay gudaha gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay masuul dowladda katirsan.

Abaanduulaha ciidamada xooga Soomaaliya Janaraal Cabdulaahi Cali Caanood ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu qarxay kadib markii ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay duulaan ku qaadeen deegaano ay maamusho Al-Shabaab oo kuyaala Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa waxa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay khasaare soo gaaray labada dhinac, balse lama xaqiijin karo inta uu la egyahay.

Abaanduulaha ciidamada Soomaaliya Janaraal Cabdulaahi Cali Caanood ayaa dhawaan sheegay in ciidamadu ay qaadi doonaan howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan koonfurta Soomaaliya.

Bishii April ee sanadkan, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa iclaamiyay guluf ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sannooyinkii ugu dambeeyay u dagaalamaysay sidii ay awooda uga tuuri lahayd dowladda Soomaaliya oo fadhigeedu yahay Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*