Dagaal ka dhacay magaalada cadaado

Dagaal ka dhacay magaalada cadaado. [Sawirka: Archive]
Dagaal ka dhacay magaalada cadaado. [Sawirka: Archive]
Cadaado-(Puntland Mirror) Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada NISA iyo ciidamada booliiska Galmudug ayaa maanta oo Talaado ah ka bilowday gudaha magaalada Cadaado, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada NISA isku dayeen in ay joojiyaan kulan uu lahaa baarlamaanka Galmudug kuwaasoo doonaya in ay madaxweyne cusub doortaan kadib markii ay cayriyeen madaxweynihii.

Dadka deegaanka ayaa khadka taleefoonka ugu sheegay warsidaha Puntland Mirror in ay maqleen rasaasta qoryaha.

Wali ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Asbuucii lasoo dhaafay, xildhibaanada Galmudug ayaa xilkii ka qaaday Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed, iyaga oo ku eedeeyay waxqabad la’aan, laakiin waa uu diiday in uu aqbalo xil ka qaadistaas.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*