Dagaal dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug

gaalkacyo
Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. [Sawirka: Puntland Mirror]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa galabta oo Sabti ah dib uga qarxay duleedka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in labada dhinacba ay adeegsanayaan hubka culus iyadoo dhawaaqa qoryaha laga maqlayo guud ahaan magaalada.

Dagaalka cusub ee galabta ayaa daba socday dagaalo maalmihii lasoo dhaafay u dhaxeeyay labada dhinac.

Waxaa jira khasaare dagaalka ka dhashay, balse Puntland Mirror si madax-banaan uma faahfaahin karo khasaaraha.

Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhimatay dagaalka u dhaxeeya ciidamada kala taageersan Puntland iyo Galmudug tan iyo markii uu qarxay bishii hore.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*