Dagaal culus oo u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo ka bilaabmay

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Dagaal culus oo u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug ayaa saakay oo Jimce ah ka bilaabmay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, dagaalka cusub ayaa yimid kadib markii maleeshiyaad kasoo jeeda Galmudug ay weerar kusoo qaadeen fariisimaha ciidamada Puntland ee xaafada Garsoor.

“Dagaalka wali waxa uu ka socdaa xaafada Garsooor… wali waanu maqlaynaa,” mid kamid ah dadka deegaanka Gaalkacyo oo magaciisa dib u dhigay ayaa sidaa u sheegay warsidaha Puntland Mirror.

Labada maamul ee Soomaaliyeed ayaa sanadkii hore ku dagaalamay magaalada Gaalkacyo.

Faahfaahin dheeri ah dhawaan sug.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*