Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Itoobiya iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Gedo

Askari katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya. [Xigashada Sawirka: Getty Images]
Garbahaaray-(Puntland Mirror) Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Itoobiya ee hoostaga Howlgalka Midowga Afrika iyo maleeshiyada Al-Shabaab ayaa maanta oo Isniin ah ka dhacay deegaano kuyaala gobolka Gedo, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada Soomaaliya ay isku dhaceen maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab kuwaas oo miino ku aasayay waddo dheer oo isku xirta deegaanka Birta-Dheer iyo magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, ilaa afar qof oo katirsan dhinacyada dagaalamay ayaa ku dhimatay dagaalka oo ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hub kala duwan.

Gobolka Gedo ayaa kamid ah gobolada ay Al-Shabaab ku xooganyihiin oo kuyaala koonfurta Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*