Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Galmudug oo mar kale ka qarxay Gaalkacyo

taangi-pl
Taangi ay leeyihiin ciidamada dowlada Puntland. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Galmudug ayaa maanta oo Isniin ah dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhinacyada dagaalamaya ay adeegsanayaan qoryaha waa-weyn oo dhawaaqooda laga maqlayo magaalada oo dhan.

Dagaalka maanta oo Isniin ah ayaa ka bilaabmay duleedka koonfureed ee magaalada halkaas oo labada dhinac ay saldhigyo ku leeyihiin.

Ma jirto faahfaahin dhaqso ah oo ku saabsan khasaaraha.

Sabtidii, ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dilay isku-dhacyo u dhaxeeyay labada dhinac, kuwaasoo badankood ay ahaayeen ciidamadii kala duwanaa ee dagaalamay.

Gaalkacyo ayaa u qaybsanta labo dhinac, iyadoo dhanka waqooyi ee ugu weyn ay maamusho dowlada Puntland dhanka koonfureedna ay maamulaan maamulka yar ee Galmudug.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*