Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Galmudug oo dib uga qarxay duleedka magaalada Gaalkacyo

taangi-pl
Taangiga ciidamada Puntland oo maraya duleedka magaalada Gaalkacyo. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Galmudug ayaa saakay oo Axad ah dib uga bilaabmay duleedka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, sida ay ilo-wareedyada sheegayaan.

Dagaalka manta oo Axad ah ayaa imaanaya asbuuc kadib markii madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ay heshiis xabad joojin ah ku gaareen magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta.

Faahfaafin dheeri ah dhawaan la soco.

About Puntland Mirror 839 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*