Geel daaqaya deegaan daaqsimeed kuyaala dooxada Nugaal. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dadka deegaanka ayaa kasoo horjeestay mashruuc ay hay’ada WFP ceel kaga qodeyso deegaan daaqsimeedka Gelinculus oo ku yaala dooxada Nugaal.

Nabadoonada iyo xubnaha kale ee bulshada ayaa saxiixay warqad loo gudbiyey hay’ada WFP oo dhaqaalaha mashruuca bixinaysa iyo Wasaarada Beeraha oo mashruuca hirgelineysa.

Warqada ay saxiixeen odayaasha dhaqanka iyo xubnaha bulshada oo Puntland Mirror helay.

Ciise Nuur Geedi, oo ka mid ah naboodanada deegaanka ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in deegaan daaqsimeedkaas uusan u baahnayn ceel biyood hadda, waxaana uu ka digay in khatar ka dhalan karto haddii la isku dayo arrintaas.

“Waxaanu ka cabaneynaa riig la yiri waxaa laga dhisayaa deegaanka Gelinculus oo ah dooxo dhexdeeda”,  ayuu ku yiri Ciise wareysi uu siiyay Puntland Mirror. “Waa in dareenka iyo diidmada nabadoonada iyo bulshada qaybaheeda kale la tixgeliyaa”.

Nabadoonka ayaa ku tilmaamay Gelinculus meel wax soo saar xoolo-dhaqasho nololeed leh biyo kufilana uga yimaadaan durduro iyo ceelal. Wuxuu yiri “Gelinculus uma baahna riig, haddii riig la qodayo meelo kale oo oomane ah oo u baahan baa jira. Gelinculus waxay hoy u tahay bulsho xoolo dhaqato ah, waxayna ku taalaa meel afar durdur dhexdooda ah sida Cuun, Siigo-dheer, Caano-yaskax iyo Timir”.

Nabadoonka ayaa sheegay in dhulka awal la nabaadguurshey oo boqolaal tuulooyin ah laga sameeyay, taasoo dhibaato weyn ku keentay dhulkii xooluhu  daaqi jireen.

Xuseen Xaaji Yuusuf, oo u ololeeya deegaanka fadhigiisuna yahay Garoowe, ayaa ka digey tuuleynta dhul daaqsimeedka. Wuxuu yiri “haddii aysan jirin baahi dhab ah oo dhinaca biyaha ah, in laga qodo ceel-biyood noocan ah dhul daaqsimeed qofna cududaar uma heli karo. Goobaha laga qodo ceelashu waxay caadiyan isu bedelaan tuulooyin, taasoo  horseedi karta burbur ku yimaada deegaanka, dhirtii oo baaba’da iyo nabaadguur, carro guur, lama degaan iyo boholo abuurma iyo dhibaatooyin kale oo deegaanka soo wajaha. Wuxuu abuuri karaa isku dhac dhiig ku daato oo ka dhasha isticmaalka iyo lahaanshaha dhulka. Waxaan ka walaacsanahay in ceelkan iyo tuuleynta ku hoos qarsooni ay cawaaqib xun ku reebto deegaanka, kaas oo halis gelin kara nolosha kumanaan xoolo dhaqato ah”.

Saalax Maxamed, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa ku doodaya in “saameynta xun ee tuulooyinka, xirmooyinka iyo beeraha aan waxtarka lahayn ee dhul daaqsimeedka laga samaynayo ay ka khatar weyn yihiin wax kasta oo faa’iido ah oo ceelbiyoodkani keeni karo”.

Wuxuu ka cawday in aan “bulsho ahaan lagala tashan mashruucan, oo aan wax qiimeyn ah lagu samayn baahida loo qabo iyo khatarta deegaan ee uu keeni karo”. Wuxuu ku sifeeyey mashruucan “mid suuq madow ah, oo si aan sax ahayn lacagta deeqbixiyayaasha loogu takri-falayo”.

Nabadoon Ciise Nuur Geedi ayaa ka digay in dhibaato ka dhalan karto haddii la isku dayo in riiga laga dhiso halkaas. “Maalin dhoweyd oo ay hay’adu tagtay deegaanka rabshaa ka dilaaci gaartay oo xabad baa lagu riday, haddana dadkii xoolo dhaqatada ahaa waa ay is hubeeyeen. Marka annagu haddaan nahay cuqaasha ma rabno wax kasta oo keeni kara tafaraaruq, isqabqabsi bulsho iyo  rabshado dhimasho iyo dhaawac keeni kara, marka saas baa keentay in aan walaac ka muujino,” ayuu yiri.

Sanadkii 2011-kii, dagaal u dhaxeeya labo beelood ayaa ka dhacay deegaanka Gambayax oo wax ka yar 2-kiilo mitir u jirta Gelinculus, dagaalkaas ayaa waxaa sababay kadib markii dadka deegaanka ay kasoo horjeesteen in tuulo laga sameeyo halkaas. Dagaalkaas waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, taasoo xitaa saameyn ku yeelatay gudaha magaalada Garoowe, oo ay ka dhaceen dilal aanooyin ah oo u dhaxeeya labada dhinac.

Share this story about sharing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll Up