Dad gaaraya 265 qof oo ku dhimatay intii uu socday iskudaygii afgembiga dhicisoobay ee Turkiga

death
Qof shacab ah oo ku dhintay iskudaygii afgembiga xalay ka dhacay Turkiga. Sawirka: Reuters.

Dad tiradooda gaarayso 265 qof ayaa lagu dilay iskudaygii fashilmay ee Turkiga ka dhacay habeenimadii xalay oo Jimce ahayd, sida uu sheegay raysulwasaaraha Turkiga Binali Yildirim maanta oo Sabti ahayd.

Sii hayaha taliyaha ciidamada, Umit Dundar, ayaa shir saxaafadeed ka sheegay maanta oo Sabti ahayd in 104 kamid ah kuwii soo abaabulay afgembiga ay dhinteen.

“Gabi ahaan howlgaladii ka dhanka ahaa iskudayga afgembiga waa ay dhamaadeen, laakiin hawsha nadiifinta waxay qaadanaysaa saacado” Madaxa haayada sirdoonka qaranka, Hakan Fidan ayaa sidaa sheegay.

Dadka ayaa isugu soo baxay wadooyinka Istanbul, iyagoo safaf ku jira haystana calanka guduudka iyo cadaanka ah ee Turkiga si ay u muujiyaan dowlada shacabka ah ayna uga soo horjeestaan iskudayga afgembiga.

shacabka Turkiga
Dadka shacabka ah oo isugu soo baxay wadooyinka. Sawirka: Reuters.

RW Yildrim ayaa ka sheegay shir saxaafadeed in 1,440 oo qof ay dhaawacmeen halka 2,839 xubnood oo militari ahna la xiray.

Falcelintii Caalamka ee afgembigii fashilmay Turkiga.

  • Washington, Madaxweyne Barack Obama wuxuu ka codsaday dhamaan dhinacyada Turkiga in ay taageeraan “dowlada dimuqraadiyada lagu doortay”.
  • Nato, oo Turkiga xubin ka yahay, waxay ku baaqday “in si buuxda loo xushmeeyo” dimuqraadiyada haayadaha Turkiga.
  • Midowga Yurub, Madaxweynaha Midowga Yurub Donald Tusk ayaa sheegay in Turkiga uu yahay saaxiibka Midowga Yurub, wuxuuna codsaday in la raaco dastuurka Turkiga.
  • Ruushka, aad bay uga walaaceen, iyagoo sheegay in xaalada Turkiga ka dhacday ay khatar ku tahay la dagaalanka argagixisada, afgembiguna uu kahatar u keeni karo xasiloonida gobolka iyo tan caalamka.
  • Iran, dhacdada Turkiga ka dhacday maahan mid meesha ku jirta, waxayna dib u dhac ku keenaysaa gobolka.
  • Soomaaliya, dowlada waxay si rasmiya u cambaareysay afgembiga, Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu ku tilmaamay saraakiisha afgembiga Samaysay shayaadiin doonayay in ay Turkiga gashaan qalalaase, sidoo kale Muqdisho waxaa ka dhacay banaanbaxii ugu weynaa oo ka dhaca meel ka baxsan gudaha Turkiga oo afgembiga looga soo horjeedo.
About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*