Dablay hubaysan oo labo nabadoon ku dishay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud

caabdud-waaq
Maleeshiyaad beeleed Caabudwaaq.

Caabdudwaaq-(Puntand Mirror) Dablay aan la aqoon ayaa xalay ugu yaraan labo nabadoon ku dilay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Labada nabadoon ee la dilay ayaa magacyadooda la dhihi jiray, nabadoon Fanax Aadan iyo nabadoon Maxamed Bare Diini.

Dilka nabadoona ayaa lala xiriirinayaa aanooyin qabiil, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Sidoo kale dad gaaraya todobo qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay rasaasta dablayda ay rideen.

Dilalka ku salaysan aanooyinka qabiilka ayaa ah kuwo muddo sanado badan kasoo jiray dhulka Soomaalida.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*