Dablay aan la garanayn oo weerar ku qaaday saldhigyo ciidamada Somaliland ku leeyihiin magaalada Laascaanood

Dablay aan la garanayn oo weerar ku qaaday saldhigyo ciidamada Somaliland ku leeyihiin magaalada Laacaanood. [Sawir Hore]
Laascaanood-(Puntland Mirror) Saldhigyo ciidan oo maamulka Somaliland ku leeyihiin magaalada Laascaanood ayaa xalay oo Axad ahayd waxaa weerar ku qaaday dablay aan la garanayn, sida ilo-wareedyo ay u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

Dablayda weerarka geysatay ayaa bartilmaameedsatay saddex saldhig oo kuyaala magaalada.

Ma jirto warar deg deg ah oo ku saabsan xaddiga khasaaraha ka dhashay weerarka.

Ma cadda cida ka dambeysa weerarka, kaasoo soconayay ilaa aroornimadii, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Asbuucyadii dhawaa ee lasoo dhaafay, dad badan ayaa ku banaanbaxayay waddooyinka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool iyaga oo ka soo horjeeda joogitaanka Somliland ee Sool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*