Daanyeerka kunool gudaha Puntland oo bilaabay in uu dhinto abaarta darteed

Koox daanyeero ah oo ku sugan meel kamid ah gudaha Puntland. [Xigashada Sawirka: Twitter/Aniso Haji Mumin]
Koox daanyeero ah oo ku sugan meel kamid ah gudaha Puntland. [Xigashada Sawirka: Twitter/Aniso Haji Mumin]
Garoowe-(Puntland Mirror) Bini’aadamka kaliya maahan cida la halgamaysa abaarta daran ee ka jirta gobolada Puntland, waxay saameysay xayawaanka duur joogta ah sida daanyeerka.

Cabdidaahir Cumar waa nin reer miyi ah, oo kunool tuulada Ilmo-adeer ee gobolka Nugaal, waxaa uu warsidaha Puntland Mirror u sheegay in daanyeerku uu dhimanayo abaarta darteed.

“Daanyeerku waxa uu u bakhtiyayaa gaajo iyo haraad, Waxaan ishayda saaray dhowr bakhtiyay,” ayuu yiri Cabdidaahir.

“Daanyeerku waxaa uu u cuni jiray caleenta dhirta, dhirtiina waxaa ku dhacay abaar.” Ayuu ku daray.

Cabdidaahir ayaa sheegay in aysan iyagu awoodin in ay caawiyaan daanyeerada sababtoo ah iyagaa sidoo kale waxaa saameysay abaarta daran, una baahan gargaar deg deg ah.

“Ma aanu caawin karno daanyeero, anagaaba xaalad xun ku sugan,” ayuu yiri.

Si kastoo ay ahaataba qeyb kamid ah xayawaanka duurjoogta ah ee ku dhaqan gudaha gobolada Puntland ayaa ku sugan khatar, iyada oo ay dhulka hayso abaartii ugu darnayd ee muddo sanadooyin ah soo marta. Xayawaanka qeyb kamid ah sida daanyeerka ayaa ah mid ku tiirsan dhirta.

Xilli roobaadkii Deyrta oo baaqatay, taasoo la heli jiray sida caadiga ah bilaha October iyo November ayaa sababtay abaarta, taasoo saameysay qiyaastii 1.5 milyan oo dad ah oo kunool gudaha gobolada Puntland.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*