Daadad ugu yaraan labo qof ku dilay gobolka Nugaal

Roobka ayaa imaanaya iyadoo gobolku uu wajahayo abaar daran. [Sawirka: Archive]
Roobka ayaa imaanaya iyadoo gobolku uu wajahayo abaar daran. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Daad ay sababeen roobab mahiigaan ah ayaa ku dilay ugu yaraan labo qof gobolka Nugaal ee Puntland maanta oo Isniin ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Hooyo iyo wiil ay dhashay ayaa daadka ku dhintay xilli ay rabeen in ay ka gudbaan tog kuyaala deegaanka Qundheed oo hoostaga degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal.

Roobab mahiigan ah ayaa la filayaa in ay ka da’aan gobolada Puntland maalmaha dhow ee soo socda, sida ay sheegayaan khuburada saadaasha cimilada.

Asbuucii lasoo dhaafay, dowladda Puntland ayaa dadka reer miyiga ah ku wargelisay in ay u baxaan dhulka sare si looga gaashaanto macquulnimada haddii ay khatar ka dhalato roobka.

Roobka ayaa imaanaya iyadoo gobolku uu wajahayo abaar daran, taasoo dishay boqolaal xoolo ah.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*