Daacish oo baahisay magaca ninkii fuliyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Boosaaso

 

Abu Qadaama ninkii fuliyay weerarkii ismiidaaminta ahaa oo habeenkii Talaadada ka dhacay magaalo xeebeedka Boosaaso. [Xigashada Sawirka: Site Intelligence]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Islaamiga sidoo kale loo yaqaan Daacish ah ayaa baahisay ninkii fuliyay weerarkii ismiidaaminta ahaa oo habeenkii Talaadada ka dhacay magaalo xeebeedka Boosaaso, sida ay daabacday wakaalada wararka Daacish.

Sida ay daabacday wakaalada wararka Daacish ee Acmaaq, ninka weerarka fuliyay ayaa magaciisa la oran jiray Abu Qadaama kaasoo dhalasho ahaan kasoo jeeda gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Acmaaq ayaa ku warantay in Abu Qadaama uu kamid ahaa dagaalyahanada Daacish ee gudaha Soomaaliya.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyootay weerarka ismiidaaminta ah oo lala eegtay bar kantarool ay ciidamada Puntland ku lahaayeen meel u dhow isgoyska Towfiiq ee gudaha magaalada Boosaaso.

Wuxuu ahaa weerarkii ugu horeeyay oo ismiidaamin ah oo Daacish ay ka geysato gudaha Soomaaliya.

Maleeshiyada Daacish oo ku dhuumanaysa deegaanada buuralayda ah ee gobolka Bari Puntland ayaa horey waxay u kamid ahayd ururka Al-Shabaab kahor inta aysan ka bixin dabayaaqadii sanadkii 2015-kii.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*