Cutubyo katirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo tababar ugu soo gabogaboobay magaalada Qardho

Ciidamada Galayr ee tababarku u soo xirmay. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Qardho-(Puntland Mirror) Cutubyo katirsan ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah tababar lix bilood u socday ugu soo gabogaboobay xerada tababarada ciidamada Xorgoble oo kutaala magaalada Qardho.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan ayaa ka qeybgalay munaasibada xiritaanka tababarka ciidanka oo loogu magacdaray Galayr.

Puntland ayaa tababaro u sameysay ciidamo boqolaal ah tan iyo markii xafiiska uu yimid Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni bishii Janaayo 2019.

Dowladda ayaa sheegtay in tababarada ujeedkoodu yahay sidii kor u qaadis iyo dib u habayn loogu sameyn lahaa ciidanka difaaca Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*