Cutub cusub oo ciidamo ah oo ka socda Burundi oo yimid Muqdisho si ay u badalaan cutub horey u joogay

Cutub cusub oo ciidamo ah oo ka socda Burundi oo yimid Muqdisho si ay u badalaan cutub horey u joogay. [Xigashada Sawirka: Amisom]
Cutub cusub oo ciidamo ah oo ka socda Burundi oo yimid Muqdisho si ay u badalaan cutub horey u joogay. [Xigashada Sawirka: Amisom]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Cutub cusub oo ciidamo ah oo ka socda dalka Burundi ayaa shalay oo Isniin ahayd soo gaaray gudaha Muqdisho si ay u badalaan ciidamada cutubka 34-aad , kuwaasoo la isku badalo markii ay sanad dhammeystaan waajibaadka ay u joogaan gudaha Soomaaliya.

Ciidamada oo ka socda guutada 40-aad ee ciidamada difaaca Burundi ee marka magacooda lasoo gaabiyo la dhaho (BNDF), ayaa ka hoos shaqayn doona Howlgalka Midowga Afrika ee gudaha Soomaaliya (AMISOM).

Isaga oo ka hadlayay markii ay soo gaareen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, taliyaha cutubka cusub, Nsingirankabo ayaa sheegay in ciidamadiisu ay diyaar u yihiin waajibaadka loo soo diray ee ah nabad ilaalinta Soomaaliya.

“Ciidamadeydu waxay diyaar u yihiin in ay shaqada kusoo fool leh ee ah la dagaalanka Al-Shabaab si gacan looga geysto xasilinta Soomaaliya. Waxaan isku dayaynaa in ciidamadaydu ay xaqiijiyaan ilaalinta dhammaan shuruucda caalamiga ah iyo in aan ku guuleysano taageerada dadka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Nsingirankabo.

Guutada 34-aad ayaa waxaa saldhig u ah magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Hoose.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*