Cumar Cabdirashiid oo ololihiisa madaxweynenimada ka wada gudaha Puntland

Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake. [Xuquuqda Sawirka: Reuters]
Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake. [Xuquuqda Sawirka: Reuters]
Garoowe-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ku sugan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Cumar Cabdirashiid oo deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland ayaa yimid Garoowe maalintii Sabtida ahayd ee asbuucaan.

Joogitaanka Garoowe

Raysulwasaaraha Soomaaliya ayaa Garoowe u yimid sidii uu kulamo u la yeelan lahaa xildhibaanada aqalka hoose iyo aqalka sare ee laga doortay Puntlan, sida ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

RW Cumar ayaa bilaabay in uu kulamo gaar gaar ah uu la yeesho xubnaha labada aqal ee la doortay ilaa iyo hadda.

Ku dhawaad 32 xildhibaan oo aqalka hoose ah ayaa lagu doortay Garoowe ilaa iyo hadda, waxaana dhiman shan xubnood oo la filayo in maanta oo Isniin ah iyagana la doorto.

Cumar Cabdirashiid ayaa xildhibaanada uu la kulmay waxa uu kala hadlay arrimo la xiriira ololihiisa doorashada ee madaxweynenimada Soomaaliya.

Asbuucii lasoo dhaafay, RW Cumar ayaa tagay magaalada Kismaayo ee maamul goboleedka Jubbaland, isaga oo halkaas kulamo kula yeeshay xildhibaanada aqalka hoose iyo aqalka sare ee Jubbaland laga soo doortay.

Wiilka labada jeer noqday Raysulwasaaraha Soomaaliya oo uu dhalay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa tartan ugu jira madaxweynenimada Soomaaliya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*