Cumar Cabdirashiid oo isha ku haya fursada ah in uu u tartamo madaxweynaha Puntland sanadka 2019

Cumar Cabdirashiid Cali. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland]
Garoowe-(Puntland Mirror) Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa tixgelin doona fursada ah in uu u tartamo madaxweynaha Puntland, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Ilo-wareedyo ku dhow isaga ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in dad badan oo jooga Puntland ay ka dalbadeen Cumar Cabdirashiid Cali in uu ka qeybgalo doorashada madaxtinimada Puntland ee sanadka 2019.

“Dad badan oo ay kamidyihiin siyaasiyiin, ganacsato iyo odayaasha dhaqanka ayaa Cumar ka dalbanaya in uu u tartamo doorashada madaxtinimada Puntland,” ilo-wareedyada oo codsaday in aan magacooda la sheegin ayaa Puntland Mirror u sheegay.

“Cumar waa siyaasi kaasoo leh khibrad siyaasadeed waana ay fiicnaan lahayd haddii uu ku guuleysto madaxtinimada maxaa yeelay wax badan buu dalkiisa u qaban karaa.” Ilo-wareedyada ayaa intaas ku sii daray.

Cumar ayaa labo jeer oo kala duwan soo noqday Raysulwasaaraha Soomaaliya. Waa wiilka madaxweynihii hore ee labaad ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaake, taasoo isaga siisay magaca uu ku dhex leeyahay dadka Soomaaliyeed.

Hanaankiisa siyaasadeed ayaa lagu qeexaa sida xasilooni siyaasadeed taasoo macnaheedu tahay “ma ay jiraan wax khilaaf ah”.

Cumar wuxuu xiriir fiican la leeyahay dalka Isutaga Imaaratka Carabta. Dhawaan, waxaa uu dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay taageerto xulufada uu Sucuudigu hoggaaminayo ee kasoo horjeeda Qatar.

Wakhtiga Madaxweynaha hadda jooga Cabdiweli Maxamed Cali ayaa dhammaan doona bisha Janaayo 2019, ma cadda haddii uu mar labaad uu tartami dooni.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*