Culumada Soomaaliyeed oo ku baaqay banaanbax looga soo horjeedo weerarkii lagu qaaday masjidka Nabiga

Sheekh-Bashiir-Axmed-Salaad
Shiikh Bashiir Axmad Salaad.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Shiikh Bashiir Axmad Salaad oo kamid ah culumada waaweyn ee Soomaaliyeed ayaa ku baaqay banaanbax looga soo horjeedo weerarkii lagu qaaday masjidka Nabiga ee Madiina.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen hoggaamiyaasha culumada Soomaaliyeed ayay ku tilmaameen weerarkaas “ficil Khawaarijnimo”, waxayna ka dalbadeen Muslimiinta in ay meel uga soo wada jeestaan dagaalka ka dhanka ah kuwa ku mashquulsan ficilada xagjirnimada ah.

Ugu yaraan afar qof oo ilaalada masaajidka ahaa ayaa ku shahiiday weerar uu qof naftiis halige ah uu ka sameeyay meel u dhow masjidka Nabi (N.N.K.H) ee magaalada Madiina dalka Sucuudiga asbuucii lasoo dhaafay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*