Culimada Puntland oo nabad dhex dhigay ciidamada dowlada iyo maleeshiyada guddoomiyihii hore gobolka Bari

Shiikh Axmed Yuusf Daad oo kamid ah culumada Puntland.

 

Garoowe-(Puntland Mirror) Culumada Puntland oo iskood isku abaabulay ayaa heshiis xabad joojin ah kala dhex dhigay ciidamada dowlada Puntland iyo maleeshiyada uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore gobolka Bari, sida ay sheegeen culimada.

Shiikh Axmed Yuusuf Daad oo kamid ah culimada Puntland ee waan-waanta u tagay deegaanka Carmo oo maanta lahadlay laanta Af-soomaaliga BBC-da ayaa sheegay in labada dhinacba ay aqbaleen ayna balanqaadeen wax alaale waxay kula taliyeen.

“Waa labo qaybood, qayb waxa weeye hadda waxay u baahantahay in la helo xabad joojin oo aan waxba dhicin horena wax uma dhicin hadeerna bal in la helo amni, marka labaadna lawada fariisto oo wax alle wixii jira lagu xaliyo fadhi iyo walaalnimo,” ayuu yiri Shiikh Axmed.

Shiikh Axmed Yuusuf Daad ayaa sheegay in labada dhinacba ay aad u soo dhaweeyeen.

“Labada dhinac aad iyo aad bay noo soo dhaweeyeen, hadda dhinac waa ciidamada dowlada oo dowladay matalayeen dhinacna waa shacabkii wax sheeganayay, labaduba hadeer waxaan u sheegnay marka ugu horaysa in la qaato nabad labada dhinacba, gogosha labaadna in ay noqon doonto wax is-weydiin iyo bixitaan, marka gogosha labaad baan u dib dhiganay in wax alle wixii jira lagu xaliyo nabad,” ayuu yiri Shiikhu.

Ugu dambayna, Shiikh Daad ayaa rajeeyay in arrinta ay ku dhamaan doonto nabadgalyo isku tanaasul isagoo sheegay in shacabka iyo dowlada Puntland ay ka rajaynayaan in ay aad u dhagaysanayaan guddiga culimada isagoo intaas ku daray in ay kalsooni badan ku qabaan.

Ciidamada dowlada Puntland iyo maleeshiyada guddoomiyihii hore ee gobolka Bari, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa dhamaadkii asbuucii lasoo dhaafay madaafiic isku tuuray meel u dhow degmada Carmo oo la dhaho Barookhle, balse markii dambe waxaa kala dhexgalay guddi isugu jiray culimo iyo isimo.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*