Culimada Puntland oo kasoo horjeestay fanaaniin bandhig faneed ku qabanaya Garoowe

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf
Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf.

Garoowe-(Puntland Mirror) Culimada Puntland ayaa kasoo horjeestay bandhig faneed ay fanaaniin qurbaha kayimid ka dhigayaan magaalada Garoowe.

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa ku tilmaamay bandhig faneedkaas fidno.

“Waxaan awal marba marbay ahayd waxay ku koobnayd in meelo gaar ah intii lagu duubo qalabka warbaahinta laga sii daayo, laakiin in la yiraahdo fagaaraa loo dhigayaa oo magaaladii Garoowe ahayd oo caasimada ahayd oo gabdhihii iyo wiilashii loo fasaxayaa oo lacag lagaga qaadanayaa waa nasiib daro, wax la aqbali karana maahan, ilaahay halaga cabsado, waxaan ka codsanaynaa dowlada in ay joojiso, way ka war hayaan, shacabku in ay ka hortagaan joojiyaan, caruurteena in aanu ka ceshano,” ayuu yiri shiikha.

“War walaaleyaalow gabar wadan gaalo katimid oo halkaas waxay kasoo baratay rabta inaga in ay akhlaaqdeena iyo diinteena ku fasahaadiso oo lacag inagaga qaadato, dadka ma dareenkiiba ka dhintay” ayuu ku daray Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf.

Fanaanada Nasteexo Indho oo dhawaan timid Garoowe ayaa sheegtay in ay bandig faneed ku qabanayso magaalada, taasoo keentay in culimada ay si adag uga soo horjeestaan.

Gobolada Puntland ayaa bandhig faneedyada noocaan oo kale ah ay ku yaryihiin marka la barbardhigo qaybo kamid ah gobolada Soomaaliya.

Bandhig faneedyo horey ay u damceen in fanaaniin ay ku qabtaan magaalooyin kamid ah Puntland ayaa culumada diinta ka hortageen.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*