Culimada ku sugan Boosaaso oo codsaday in dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo gudashada Xajka

Culimada ayaa shalay oo Arbaco ahayd shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Boosaaso. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Culimada ku sugan magaalada Boosaaso ayaa codsaday in dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo gudashada Xajka.

Shir saxaafadeed ay culimada Arbacadii qabteen, ayay ka codsadeen dowladda federaalka, dowlad goboleedyada, diyaaradaha ganacsiga iyo dhammaan cid walba oo ku lug leh arrimaha Xajka in ay u fududeeyaan ummada howlaha Xajka.

Culimada ayaa dhinacyadaas uga digay in aysan ku noqon caqabad keenta in tiirkaas tiirarka Islaamka kamid ah la gudan waayo, sababo ay kamidyihiin dhaqaalaha oo badan ama adeega oo liita.

Bilihii u dambeeyay, shacabka Soomaaliyeed ayaa baraha bulshada kaga hadlayay cabashooyin lala xiriira qiimaha ay dadku ku tagaan Xajka, oo la sheegay in uu aad uga qaali sanyahay wadamada kale ee caalamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*