Cod bixinta doorashada madaxtinimada Maraykanka oo bilaabmatay

electionday_1
Dad codkooda ka dhiibanaya xaafada Dixville ee gobolka New Hampshire. [Sawirka: CBS]
Washington-(Puntland Mirror) Xarumaha cod bixinta ee doorashada madaxtinimada Maraykanka ayaa furmay maanta oo Talaado ah oo bishu ku beegantahay 8-da November, 2016-ka.

Doorsahada ayaa waxaa ku tartamaya Hillary Clinton oo ka socota xisbiga Dimuqraadiga iyo Donald Trump oo ka socda xisbiga Jamhuuriga.

Sagaal gobol ayaa ilaa iyo hadda ay ka bilaabmatay cod bixinta iyadoo inta kale ee dalka ay ka bilaabmi doonto gelinka dambe ee maanta.

Furitaanka cod bixinta ayaa ka dhigan in ay soo afjarantay ololihii u dhaxeeyay Hillary Clinton iyo Donald Trump oo bilooyinkii u dambeeyay socday.

Sida ay muujinayaan sadaasha Hillary ayaa 3.2 boqolkiiba ku hoggaaminaysa Trump.

Tiradaan 3.2 boqolkiiba ayaa timid maalin kadib markii FBI-da ay sheegeen in aysan ku helin Hillary wax dambi ah oo Email khalad ah oo ay si gaar ah u isticmaashay.

Haddii ay Hillary Clinton ku guulaysato waxay noqon doontaa haweenaydii kowaad ee abid Maraykanka madaxweyne ka noqota.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*