Ciyaarta kama dambaysta ah ee ciyaaraha maamul goboleedyada Soomaaliya oo hal maalin dib loo dhigay

PUJA
Kooxaha kubada cagta Jubbaland iyo Puntland.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciyaarta kama dambaysta ah ee dhexmari doonta kooxaha kubada cagta Puntland iyo Jubbaland oo lagu balansanaa beri oo Isniin ah ayaa dib loogu dhigay maalinta xigta ee Talaadada.

Bayaan ay soo saareen xiriirka kubada cagta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dib u-dhigida ay keentay kadib markii labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ay sheegeen in ay ka qayb gali doonaan ciyaarta.

Ciyaarta ayaa balantu ahayd in ay dhacdo beri oo bishu ku beegantahay 25 July, balse hadda waxaa dib loo dhigay maalinta  Talaadada oo ay bishu tahay 26 July.

Labada Madaxweyne ee Cabdiweli Maxamed Cali iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa la filayaa in ay beri oo Isniin ah tagaan caasimada Soomaaliya, Muqdisho.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*