Ciidanka PSF oo howlgal ka dhan ah argagixisada ka bilaabay gudaha magaalada Boosaaso

Ciidanka PSF oo howlgal ku jira gudaha Boosaaso. [Isha Sawirka: PSF]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidanka ammaanka Puntland ayaa howlgal ka dhan ah argagixisada ka bilaabay gudaha magaalada Boosaaso xalay.

“Ciidanka amniga Puntland (PSF) waxay labadii habeen ee la soo dhaafay ka wadeen gudaha magaalada Boosaaso howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, howlgalladaas oo weli socda lagagana hortagayo falal argagixiso oo ay kooxaha cadowga ahi ku doonayaan in ay ku beegsadaan xarumaha dowladda, saldhigyada ciidamada iyo goobaha ay bulshadu ku kulanto sida masaajida iyo suuqyada ee magaalada Boosaaso.” PSF ayaa sidaa ku sheegtay qoraal ay ku daabaceen boggooda Facebook.

PSF ayaa sheegtay in xubno lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin ururada argagixisada ay qabteen intii howlgalku uu socday.

“Ciidanka PSF oo kaashanaya shacabka magaalada Boosaaso waxay ku soo qabteen howlgalladan socda xubno lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha cadowga ah, kuwaas oo baaritaano ku socdaan.”

Bilihii u dambeeyay, magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa la kulantay dilal ka dhan ahaa saraakiil dowladda katirsan, ganacsato iyo odayaasha dhaqanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*