Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo howlgal ay ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ku soo qabtay xubin katirsan Daacish

Hoggaamiyaha garabka ISIS ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Muumin. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidanka booliiska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye waxay ku soo qabteen xubin katirsan maleeshiyada Daacish sidoo kale loogu yeero ISIS, sida ay ku warantay maanta oo Arbaco ah wakaalada wararka dowladda ee SONNA oo soo xiganaysa saraakiisha booliiska.

Xubinta katirsan ISIS oo ciidanku ay ku soo bandhigeen gudaha Muqdisho ayaa magaciisa lagu sheegay Jaamac Xasan Xuseen.

Ciidanka ayaa sheegay in ay soo qabteen xubinta katirsan ISIS xilli uu qarax ku aasayay wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

“Markii hore waxaan ka tirsnaa Al-Shabaab waxaana xilligaas ka howlgali jiray deegaanka Beerxaani, kadib waan ka soo tagay waxaana ku biiray kooxda Daacish waxaana aaday gobolka Bari,” ayuu yiri Jaamac, isaga oo intaas ku daray in gacantiisa uu ku dilay dad fara badan, isaggoo xusay muddo seddex sano ah inuu ka mid ahaa maleeshiyada ISIS.

Koox yar oo uu hoggaamiyo sarkaal hore oo Al-Shabaab ahaa, Cabdiqaadir Muumin oo sheegay in ay daacad u yihiin ururka Daacish ayaa ka jiray gobolka Bari ee Puntland tan iyo daboyaaqadii sanadkii 2015-kii.

Sidoo kale dhowr muuqaal oo ay baahisay wakaalada wararka Daacish ee Acmaaq ayay ku sheegteen masuuliyada dilal ka dhacay magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*