Ciidanka Danab oo dilay madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose: SONNA

Ciidamada Danab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada Danab ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dilay madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida maanta oo Khamiis ah ay ku warantay wakaalada wararka dowladda ee SONNA, oo soo xiganaysa saraakiil ciidan.

Ninka oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cusmaan Xuseen ayaa lagu dilay howlgal ka dhacay degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, SONNA ayaa intaas ku dartay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*