Ciidanka booliiska Soomaaliya oo sheegay in ay toogteen afar xubnood oo Al-Shabaab ah oo doonayay in ay dilaan agaasime katirsan dowladda

Sakiya Xuseen Axmed, taliye ku xigeenka booliiska Puntland. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada booliiska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Jimce ah toogasho ku dilay afar qof gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Afarta qof oo ay midi gabar tahay oo la sheegay in ay katirsanaayeen maleeshiyada Al-Shabaab ayaa rabay in ay dilaan agaasime katirsan wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay sheegtay Sakiya Xuseen Axmed oo ah taliye ku xigeenka ciidanka booliiska.

“Ciidanka boliiska degmada Howl-wadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay agaasimaha howlaha wasarada waxbarashada mudane Cabdi gare. Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa saddex wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday,” ayay tiri.

Sawiro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya afarta qof oo mayd ah oo yaala wadada ayna dulsaaranyihiin baastoolado ay wateen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*