Ciidanka booliiska Puntland ee gobolka Bari oo sheegay in ay qabteen hub fudud oo lagu soo qariyay dooni ganacsi

taliye-cabdixakiin
Taliyaha ciidanka booliiska gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen.

Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada amaanka booliiska Puntland ee gobolka Bari ayaa maanta oo Arbaco ah dekada Boosaaso ku qabtay hub lagu soo qariyay dooni ganacsi, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.

Taliyaha ciidanka booliiska gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in hubka laga keenay dalka Yeman, waxaana uu ka koobanyahay lix baastaladood oo cusub.

Taliye Cabdixakiin ayaa sheegay in sidoo kale ciidamada ay gacanta ku dhigeen ninkii waday hubka oo la dhaho Cabdi Maxamed Axmed Saalax.

Taliska booliiska ayaa isla markiiba hubka iyo ninkii lagu qabtay u gudbiyay maxkamada ciidanka qalabka sida ee Puntland, waxaana maxkamada isla-maanta u fariisatay kiis dacwadeedka, iyadoo ugu dambayn ku xukuntay Cabdi Maxamed Axmed oo ahaa ninka waday hubka 20-sanno oo xabsi ah, sidoo kale maxkamada ciidamada ayaa sheegtay in hubka ay dowladu la wareegayso.

Si rasmiya looma sheegin cida uu hubkaas u socday, balse hubka yar yar ayaa badanaa dalka Yeman looga keenaa qaab ganacsi ah.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*