Ciidanka badda Puntland oo dilay badmaax u dhashay dalka Iran

Askari katirsan ciidanka badda Puntland. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Garoowe-(Puntland Mirror) Hal badmaax oo u dhashay dalka Iran ayaa dhintay kadib markii ciidanka badda Puntland ay rasaas ku fureen dooni loo maleynayo in ay tahay kalluumaysi sharci daro ah, sida uu sheegay sargaal katirsan dowladda.

Maxamed Cabdi Xaashi oo ah taliyaha ciidanka dekada Boosaaso ayaa warbaahinta u sheegay in Sabtidii shalay ay ciidanku magaalada Xaafuun kula kulmeen doonyo si sharci daro ah uga kalluumaysanayay halkaas, isaga oo sheegay in markii ay ciidanku damceen in ay qabtaan doonyaha ay carareen.

Taliyaha ayaa sheegay in mid kamid ah naakhuudayaashii oo u dhashay dalka Iran uu ku dhintay markii ay ciidanku ceyrsanayeen doonyaha si ay u qabtaan.

Labadii doonyood ayaa hadda ku sugan xeebta dekada magaalada Boosaaso, iyadoo ay kiiska baarayaan haayadaha dowladda, sida uu sheegay taliyuhu.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*