Ciidanka ammaanka Puntland oo Garoowe ku xiray xubno kamid ah koox isugu yeertay madasha samatabixinta Puntland

Sawirka: Xubno katirsan siyaasiyiinta la xiray.

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidanka ammaanka Puntland ee ku sugan magaalada Garoowe ayaa maanta oo Jimce ah xiray xubno kamid ah koox isugu yeertay madasha samatabixinta Puntland, sida saraakiisha booliiska ay u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

Xubnaha la xiray ayaa waxaa kamid ah Cabdirxamaan Siciid Maxamuud oo loo yaqaan Dhago-weyne kaasoo xilal kala duwan sida Wasiirka Caafimaadka kasoo qabtay Puntland, iyo Daahir Ciiro oo soo noqday xildhibaan katirsan dowladdii kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ku jira xubnaha la xiray Duni Maxamed Guuleeto oo katirsan ganacsatada gobolka Nugaal.

Sida ay wararku sheegayaan, guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faroweyne ayaa bixiyay amarka lagu xiray xubnahaas, iyagoo lagu eedeeyay khalkhal gelinta ammaanka gobolka.

Xubnaha la xiray ayaa asbuucyadii ugu dambeeyay Garoowe ku qabtay shirar oo ay ku dhaliilayeen xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*