Ciidanka Aminga Puntland oo sheegay in howlgal ay ka sameeyeen buuraha Galgala ay ku dileen dagaalyahano katirsan Al-Shabaab

Sawirka: Ciidanka PSF oo ku sugan buuraha Galgala.

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidanka Aminga Puntland ee PSF ayaa howlgal balaaran ka sameeyay deegaanada Majiyahan iyo Madarshoon ee buuraha Galgala, iyadoo howlgalka ujeedkiisu uu ahaa sidii looga aarsan lahaa weerarkii dhimashada lahaa ee ka dhacay gantaroolka Boosaaso kaasoo ay masuuliyadiisa sheegteen maleeshiyada Al-Shabaab.

Qoraal ay boggooda Facebooka soo dhigeen, PSF ayaa ku sheegtay in ay dileen ayna dhaawaceen dagaalyahano katirsan Al-Shabaab intii uu howlgalku socday, balse warsidaha Puntland Mirror si madax-banaan uma xaqiijin karo.

PSF ayaa intaas ku daray in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee ku sugan gobolka “ilaa laga soo afjarayo”.

Sawirka: Baabuur gaashaaman oo ay leeyihiin ciidanka PSF ee buuraha Galgala.

Isniintii, dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday gantaroolka Boosaaso oo kuyaala duleedka magaalada, waxaana ay ku dileen ugu yaraan sideed qof oo ay ku jiraan askar iyo dad rayid ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*