Ciidamo katirsan Somaliland oo lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Gambare ee gobolka Sool

Ciidamo katirsan Somaliland. [Sawir Hore]
Laascaanood-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex askari oo katirsan ciidamada maamulka Somaliland ayaa dhintay kadib markii maleeshiyo deegaanka ah ay weerar ku qaadeen, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Weerarka ayaa subaxnimadii hore ee Isniinta ka dhacay deegaanka Gambare ee gobolka Sool, sida ay warbaahinta u sheegeen ilo-wareedyo dadka deegaanka ah.

Maleeshiyada deegaanka ee weerarka qaaday ayaa waxaa hoggaaminayay nin la dhaho Kornayl Faysal Falaalug, sida ilo-wareedyadu intaas ku dareen.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Ciise Axmed Yuusuf oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayaa cadeeyay in weerarku dhacay, balse waxa uu diiday in dhimasho soo gaartay ciidamadooda, isaga oo sheegay in dhaawac keliya uu soo gaaray ciidankooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*