Ciidamo katirsan Puntland oo gadood ku saabsan mushahaar la’aan ka sameeyay magaalada Qardho

Ciidanka ayaa la wareegay xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe. [Sawirka: Facebook]
Qardho-(Puntland Mirror) Ciidamo katirsan Puntland ayaa gadood ka sameeyay magaalada Qardho, waxayna la wareegeen xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe, sida ay ku warantay idaacada maxaliga ah ee Radio Daljir maanta oo Axad ah.

Ciidamadda ayaa dalbanaya in la siiyo mushahaarkooda kadib markii aysan wax gunno ah helin muddo bilooyin ah.

Ciidammada Puntland ayaa sidaan oo kale horey uga sameeyay gadood magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso, iyaga oo ka cabanaya mushahaar la’aan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*