Ciidamo katirsan maamulka Somaliland oo lagu soo waramay in ay yimaadeen deegaano kuyaala gobolka Sanaag

Ciidamo katirsan Somaliland. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamo ka socda maamulka Somaliland ayaa soo gaaray deegaano kuyaala gobolka Sanaag labadii maalmood ee u dambeysay, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan dadka deegaanka.

Ujeedada ciidamada ayaa ah in ay ka hortagaan jabhadda uu hoggaamiyo Kornayl Caare taasoo dhaqdhaqaaqyo ka bilowday deegaano kuyaala gobolka Sanaag, sida ilo-wareedku sheegeen.

Ilo-wareedka ayaa intaas ku daray in ciidanku ay ku hubeysanyihiin gaadiidka dagaalka.

Kornayl Caare oo horey uga tirsanaan jiray ciidamada maamulka Somaliland ayaa ka goostay bartamihii sanadkii 2018, waxaana uu asaasay jabhad ka dhan ah Somaliland oo fadhigeedu yahay gudaha Puntland. Jabadda ayaa koraysay tan iyo wakhtigaas iyada oo ciidamo badan oo kasoo goostay Somaliland ay ku soo biireen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*