Ciidamo katirsan maamulka Somaliland oo la wareegay tuulada Tukaraq

Sawirka: Ciidamo katirsan maamulka Somaliland.

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamo katirsan maamulka Somaliland ayaa subaxnimadii hore maanta oo Isniin ah la wareegay tuulada Tukaraq, oo kutaala wadada u dhaxeysa Garoowe iyo Laascaanood.

Dagaal kooban ayaa halkaas ka dhacay kadib markii ciidamada maamulka Somaliland ay weerar kedis ah kusoo qaadeen, sida ay sheegeen dadka deegaanka. lama oga khasaaraha ka dhashay.

Puntland iyo Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore ku dagaalamay tuulada Tukaraq oo hoos tagta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*