Ciidamo ka socda Puntland oo gaaray Gaalkacyo si ay uga bilaabaan howlgalo nabadgelyo

Ciidamada ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray Gaalkacyo. [Isha Sawirka: Facebook]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ciidamo ka socda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug si ay halkaas uga bilaabaan howlgalo nabadgelyo, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha ciidanka Daraawiishta.

“Maanta oo bishu tahay 28-ka Febaraayo waxaanu u nimid magaalada Gaalkacyo howlgal ah ku soo celinta amniga gobolka,” ayuu yiri Cabdishakuur Cabdullaahi Xuseen, taliyaha ciidanka Daraawiishta.

Asbuucyadii lasoo dhaafay, magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhacay falal amni daro oo dil uu ku jiro, waxaana kamid ah kufsi iyo dil loo geystay gabar 12-sanno jir ah oo lagu magacaabi jiray Caasho Ilyaas Aadan.

Dad looga shaki qabo in ay ka dambeeyeen falkaas foosha xun ee ka dhanka ahaa gabadha yarta ah ayaa ciidamada ammaanku soo qabteen.

Kufsiga iyo dilka loo geystay Caasho ayaa caro weyn ka dhaliyay gudaha deegaanada Puntland iyo Soomaaliya oo dhan. Waxaana lagu baaqay in cadaalada la horkeeno dambiilayaashii falkaas naxdinta leh geystay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*